OGEYSIIS DADWEYNE
Tirakoobka iyo Diiwaangelinta Saamaynta Deegaan iyo Bulsho ee Mashruuca EA RDIP
Hargeisa – Berbera – Wajaale – Buuhoodle
Mashruuca Isku xidhka Dhijitaalka Gobolka Bariga Afrika (EA RDIP) wuxuu samaynayaa qiimayn deegaanka iyo bulsho oo ay ku jiraan tirakoobka dadka, diiwaangelinta hantida iyo hab nololeedyada laga yaabo inuu Mashruucu sameeyo, kuwaas oo ku teedsan marinimada Fibre Cable ka Hargeysa–Berbera iyo Wajaale–Buuhoodle.
Taariikhda kama dambaysta ah ee bilaawga hawshan: 3 October 2026 – 06:00 AM Subaxnimo
Dhammaan dadka, qoysaska, ganacsatada, hay’adaha, milkiilayaasha hantida, dadka isticmaala dhulka iyo daneeyayaasha kale ee ku sugan ama isticmaala wadooyinka (Priority Routes) la isla qaatay waxaa laga codsanayaa inay si buuxda uga qaybqaataan tirakoobka, hubinta hantida iyo wadatashiyada Mashruuca, isla markaana bixiyaan macluumaad sax ah.
Wixii diiwaangelin ah, ganacsi, degsiimo, geedo ama horumarin cusub ah ee laga sameeyo goobaha Mashruucu sameynayo kadib taariikhda kama dambaysta ah ee hawsha shaqadan, loogama doonayo wax gurmad ama gunno, iyada oo la raacayo Qorshaha Waxqabadka Dib u dejinta iyo heerarka ilaalinta deegaanka iyo bulshada ee Mashruuca.
Macluumaadka la ururiyo waxaa loo adeegsan doonaa:
• Diiwaangelinta iyo xaqiijinta sameynta Mashruuca
• Diyaarinta dukumentiyada deegaanka iyo bulshada
• Qiimaynta heerarka waxyeellada
• Dejinta tallaabooyinka la jaanqaadaya
• Hawlaha dib u soo celinta hab nololeedyada
Macluumaad Dheeraad ah
Maareeyaha Mashruuca: Mudane Suleiman Mohamed Ali Email: smohamed@mictsomaliland.org Mobile: +252 63 4127539
Wasiirka
Mudane Dr. Abdisalan Hussein Awale Wasiirka, Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL